Ilmo Yar oo Liqay Walax Bir ah ayaa si Guul ah Looga Soo Saaray Royal Care Hospital
Qaybta Xaaladaha Degdegga ah ee Royal Care Hospital waxaa la keenay ilmo yar oo soo liqay walax bir ah.
Kadib markii si degdeg ah loogu sameeyay baaritaan caafimaad, lana ogaaday nooca walaxda uu liqay iyo halka ay ku fadhiday, waxaa isla markiiba loo diyaariyay qaybta Endoscopy-ga si si badbaado leh looga soo saaro.
Alxamdulillaah, walaxdii birta ahayd si guul ah ayaa looga soo saaray. Ilmihii xaaladdiisu way fiicnaatay, waxaana uu si nabad ah ugu noqday gurigiisa. Waalidkii ayaa iyaguna farxad iyo rajo ku laabtay gurigooda.
Kiiskan waxaa si xirfad leh ula tacaalay Dr. Hamse Ali Hussein, oo ah dhakhtar ku takhasusay xanuunada uur-ku-jirta, beerka iyo midhiciraha (Gastroenterology and Hepatobiliary Specialist).
Qaybta Xaaladaha Degdegga ah ee Royal Care Hospital waxay heegan ku tahay 24/7.
